Ciidamada Xoogga Dalka Oo Kaashanaya Kuwa AMISOM Oo Howlgal Ka Dhan Ah...

Ciidamada Xoogga Dalka Oo Kaashanaya Kuwa AMISOM Oo Howlgal Ka Dhan Ah Al Shabaab Ka Bilaabay Duleedka Baladweyne

SHARE

Baladweyne,(Samawade.so):-Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ay saaka duulaan ku qaadeen deegaano ay ku dhuumaaleysanayeen Maleeshiyaadka Xagjirka Al-Shabaab oo duleed ka ah magaalada Beledweyn.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay ku wajahan yihiin deegaanka Booco oo saldhig ugu weyn ku leeyihiin Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee qeybta 27aad ayaa sheegay in ujeedka howlgalkan uu yahay sidii Maleeshiyaadka Xagjirka Al-Shabaab looga sifeyn lahaa deegaanada u dhow dhow Beledweyne.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed ayaa markii uu xilka la wareegay sheegay in Xagjirka Al-Shabaab ka saari doonaan deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolka Hiiraan.

Firxadka Maleeshiyaadka Xagjirka Al-Shabaab ayaa laga soo deegaanada dhaca duleedka magaalada Beledweyne ee gobalka Hiiraan waxaana lasoo sheegayaa qasaare xoog leh oo maleeshiyaadka Al Shabaab lagu gaarsiiyay howlgalkaasi.

LEAVE A REPLY