Xagjirka Al Shabaab Oo Hooyo Arday Jaamacad Aheyd Ku Dhex Dilay Fasalkii...

Xagjirka Al Shabaab Oo Hooyo Arday Jaamacad Aheyd Ku Dhex Dilay Fasalkii Ay Dhiganeysay

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Maleeshiyo Bastoolado ku hubeysan oo ka tirsan Xagjirka Al Shabaab ayaa Gudaha u galay Dhismaha Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) halkaas oo ay ku dhex khaarajiyeen Allaha u naxariistee Hooyo Aamino Xuseen Xasan oo kamid aheyd ardayda dhigata Jaamacadda.

Xilliga uu dilka dhacayey  ayaa lagu jiray gudaha Fasallada Jaamacadda Soomaaliya xarunteeda weyn ee agaagarka Baax Ubax ee magaalada Muqdisho, waxaana kooxaha hubeysan ay si toos ah u abaareen fasalkii gabarta ay dhiganeysay, iyagoo barteeda ku toogtaay

Maamulka Jaamacadda ayaa sheegay in laba nin oo ku hubeysnaa bastoolado ay gudaha Jaamacadda u soo galeen kaddibna ay si toos ah u beegsadeen Ardayad  lagu magacaabi jiray Aamina Xuseen Xasan Allaha u Naxariistee.

Falkaan Argagaxa ku dhaliyay bulshada Soomaaliyeed ayaa walaac xoog leh ku reebay ardaydii wax la baraneysay Hooyo Aamina Xuseen, waxaana hakad galay waxbarashadii ardayda jaamacadda.

Waa mid kamid ah falalka Arxandarada ee ay ku caanbexeen kooxda Xagjirka Al Shabaab ee Xiriirka laleh ururka Al Qaacida kaas oo Somaliya u soo minguuriyay falalka naxariisdarada ah ee had iyo jeer lagu gumaado dadka Abriyada, iyadoo lagu gambanayo magaca diinteena Suuban ee nafareysa nabadgalyo iyo Naxariis kuwada Noolaasho.

 

LEAVE A REPLY