Mareykanka Oo Sheegay in 18 Ka Tirsan Xagjirka Al-Shabaab Ay Ku Dileen...

Mareykanka Oo Sheegay in 18 Ka Tirsan Xagjirka Al-Shabaab Ay Ku Dileen Duqeyn Ka Dhacday Duleedka Kismaayo

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Mareykanka ayaa sheegay in weerar duqeyn is difaacid ah uu ku qaaday dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab dudeedka magaalada Kismaayo.

Duqeynta ayaa ka dhacday deegaanka Janaay Cabdalla oo qiyaastii magaalada Kismaayo 50KM waqooyi Galbeed kaga beegan, waxaana lagu dilay 18 dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Weerarka cirka ayaa ka dambeeyay markii weerar ay la kulmeen Ciidamo Mareykan ah iyo Ciidamada Danab ee ka tirsan Xoogga dalka.

Intii ay socotay iska hor imaadka ayaa la sheegay in ciidanka xoogga dalka ay dileen labo kamid ah Kooxda Xagjirka Al Shabaab, kadib markii ay iskacaabin kala hortageen Ciidamada howlgalka fulinayay.

Ciidamada Danab ee xoogga dalka iyo Ciidamo Mareykan ah ayaa muddooyinkii u dambeeyay howlgalo ka fulinayay duleedyada magaalada Kismaayo.

Akhriso war saxaafadeedka Taliska Mareyoanka ee Afrika:-

LEAVE A REPLY