Qormo:-Maxay Tahay Sirta Ka Dambeysa Qarxinta Al Shabaab Ee Goobaha Cibaadada

Qormo:-Maxay Tahay Sirta Ka Dambeysa Qarxinta Al Shabaab Ee Goobaha Cibaadada

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Sida looga bartay kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab waxa ay mar kale Qarxiyeen Masaajid dhinaca ku hayey xarunta degmada Howl-wadaag.

Gaariga Walxaha Qarxa laga soo buuxiyey waxa uu baabi’iyey dhammaan jiritaanka dhismaha Masaajidka iyo goobo dad shacab ah loogu qidmeynayey adeegyada ay u baahan yihiin.

Waxaa Basbeelay qaar ka mid ah Kitaabadii Masaajidka, Minbarkii iyo dhammaan agabyadii cibaadada, tani waa farriin kale oo sheegeysa in Al-shabaab ay isu rogeen diin-laaweyaal diidan diinta ALLE.

Falkaan lagu Qarxiyey Masaajidka waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo Dhaawacba leh, laakiin islamarkiiba waxaa la arkayey dadweyne isxilqaamay oo u gurmaday dadkii wax ku noqday arxan la’aanta Al-shabaab.

Al-shabaab Musalsal ayeey ka dhiganayaan in ay beegsadaan Masaajidda iyo Malcamadaha Qur’aanka.

Duqa Muqdisho oo booqday Masaajidka ay Qarxiyeen Al-shabaab waxa uu u tacsiyeeyey dadkii ku dhintay, kuwaa ku dhaawacmay iyo askartii Naftii haligaha Rasaasta la dhacday oo qaar ay ka Shahiideen halkaas

Waxa uu ammaanay Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow dadweynihii gurmadka isxilqaamka ay ka qeyb-qaatay, goobaha Cibaabada ALLE ee ay beegsadeen markii labaadna in si deg deg ah loo dhisayo.

Toddobaadkii hore Masaajid iyo Dugsi Qur’aan ayeey sidaan oo kale ka geysteen Fal Qarax ah, si ay u laayaan dadka cibaadeysanayey iyo ardeyda yar-yar, laakiin Masjidkii ay burburiyeen waxaa dhagax dhigay Guddoomiyaha gobolka Banaadir si loo tuso in aysan cibaadada ALLE ummadda Muslimka ah ka hor istaagi karin AL-shabaab.

LEAVE A REPLY