Daawo Bulshada Gobalka Shabeellaha Dhexe Ku Dhawaaqa Guluf Colaad Oo Ka Dhan...

Daawo Bulshada Gobalka Shabeellaha Dhexe Ku Dhawaaqa Guluf Colaad Oo Ka Dhan Ah Xagjirka Al Shabaab

SHARE

Cadale,(Samawade.so):-Qeybaha Bulshada deegaanada Guulane,Koosar,Nuur Dugle iyo Masaajid Cali Gaduud oo hoostaga degmooyinka Aadan-yabaal iyo Cadale ee ka tirsan Gobolka Shabeelaha dhexe ayay isku abaabuleen shacab badan, kuwaasi oo la dagaalamaya Kooxda Argagixisada Al-Shabaab.

Waxayna dagaaladii ugu danbeeyay Shacabkan is abaabulay ku dileen maleeshiyaad badan oo ka tirsan Kooxda Nabad-diidka ah.

Qaar ka mid ah raggaan is abaabulay ee qoryaha u qaatay iney ka dhiidhiyaan Gumaadka iyo caga jugleynta Kooxda argagixisada Al-Shabaab ayaa kacdoonkooda waxay ku micneeyeen iney diidan yihiin amar ay Al-Shabaab ku soo rogeen dadka deegaanka oo ah iney carruurtooda 8-jirada keennaan si loo dagaal geliyo.

” Waxaa nagu kalifay inaan la dagaalano Ururka Al-Shabaab,anagoo dad rayid ah oo ku nool tuulo hoostagto degmada Aadan-yabaal oo la yiraahdo Guulane, waxaa nagu kalifay siddeed sano ayuu wadanka naga kireysnaa intaasi maal ayaan bixin jirnay,waxayna noola yimaadeen kiradii wey ka badatay,waxaana nala yiri dadkiina keenna carruurtiina,Gabdhihiina Wiilashiina keenna in nala yiraahdo taasaa nagu kaliftay,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka is abaabulay oo la hadlay Warbaahinta Qaranka.

Wuxuuna hadalkiisa intaasi raaciyay in Maleeshiyada Al-Shabaab sanadkii saddex ilaa iyo afar jeer lacago baad ah oo ay ku tilmaameen waxay ugu yeereen Zakawaad iyo canshuur ka qaadi jireen.

Sidoo kale,Bulshada ku dhaqan deegaanada Guulane,Koosar,Nuur Dugle iyo Masaajid Cali Gaduud oo hoostaga degmooyinka Aadan-yabaal iyo Cadale ayaa sheegay iney naftooda iyo maalkooda kala fakan waayeen maleeshiayada,taasina ku kaliftay iney qoryaha qaataan lana dagaalamaan Al-Shabaab.

“Nimankaasi cadowga ah oo dadka iyo Diinta ku maqan, nimankii la diriraayaa nahay, marka waxaa nagu qabtay waxaa waaye inaan nafteena la fakan weynay 25-maalin ayaan xabsi ku jiray anigoo gacanta ka dhaawacan,xabad ayay gacanta iiga dhufteen mana aqaano waxay igu xireen,”

Dadka deegaanka ee ka dhiidhiyay xadgudubka iyo tacaiyadda Al-Shabaab waxaa ka dhex muuq dad da’ ah oo iyagu dhibka jecleyn,balse u adkeysan waayay dhibaatada Al-Shabaab,sidaasina u kacay qoryahana u qaatay.

” Wallaal aniga waxaan jiraa 50-sano,ciyaar ciyaar iigama cadda,waxay igu kalifeen in maalkeyga si been been ah ku dhammeeyaan oo yiraahdaan qeyb Canshuur ku qaadaan,qeyb Zakawaad waa yiraahdaan iyo qeyb kale ay yiraahdaan wax walba,dad aadan dilin kiradiisa keen waa ku leeyihiin,dhibaatadaasi ayay 8 ilaa iyo 9-sano nagu haayaan,ugu danbeyntii waxay nagu yiraahdaan Wiil 8-sano jira qof walba ha keenno ayay nagu yiraahdeen,” ayuu yiri Aabe 50-sano jir ah oo dadka deegaanka Guulane ka tirsan.

Ugu danbeyntii,Shacabkan is abaabulay ayaa Dowladda Federaalka iyo Beesha caalamka ugu baaqay iney ku garab istaagaan go’aanka geesinimada leh ay qaateen ee ku aadan dagaalka ka dhanka Kooxda argagixisada Al-Shabaab,waxaana meelo badan oo dalka ka tirsan ka jira kacdoon shacab oo looga soo horjeeda falalka guracan iyo lacagaha baadda ah ee maleeshyada Al-shabaab shacabka ay ka qaadaan.

LEAVE A REPLY