Ciidamada DFS Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Shabeellaha Hoose Oo Ay Hore...

Ciidamada DFS Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Shabeellaha Hoose Oo Ay Hore U Maamulayeen Xagjirka Al Shabaab

SHARE

Afgooye,(Samawade.so):-Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta la wareegay deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha hoose oo ay maamulayeen Maleeshiyada kooxda Xagjirka Al-shabaab.

Ciidamadan oo ka ruqaansaday degmada Afgooye ayaa si nabad ah kula wareegay deegaankaasi kadib markii halkaasi isaga isag carareen kooxigihii xagjirka Al Shababaab oo ka cabsaday gulufka geesiyaasha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo aad isku diyaarinayay maalmihii lasoo dhaafay.

Deegaannada ay Ciidamada dowladda ay la wareegeen waxaa ka mid ah Beerta Aadan Seeraar Tuulada Baqdaad iyo Koontaroolka kala beyr oo markii ay hore Xagjirka ugu baadijireen dadka deegaanadaasi oo u badan beeraley iyo xoolo dhaqato.

Ciidamada la wareegay deegannadan ayaa waxaa ay ka mid yihiin ciidamada Milatariga ee dowladda Soomaaliya waxaa ayna ka ambabaxeen saakay degmada Afgooye oo ay ku sugnaayee.

Alshabaab ayaa la sheegay in ay iskaga baxeen deegaannadan ka tirsan Shabellaha hoose kadib markii ay maqleen in ay ku soo wajahanyihiin ciidamada dowladda.

Todobaadyadii dambe ayaa ciidamada dowladda waxaa ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ay ka wadeen Shabellaha hoose kuwaasi oo ay ku doonayaan in gacanta ku soo dhigaan deegaannada ka maqan gacantooda oo ay maamulaan xagjirka Alshabaab.

LEAVE A REPLY