Xagjirka Al Shabaab Oo Nin Oday Waayeel Ah Ku Dilay Magaalada Muqdisho.

Xagjirka Al Shabaab Oo Nin Oday Waayeel Ah Ku Dilay Magaalada Muqdisho.

SHARE

Muqdisho,(Samawade.o):-Dabley Bastoolado ku hubeysan ayaa barqanimidii maanta dil iyo dhaawac ah ay ka geysteen Xaafad ka tirsan Magalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah oo ku sugnaa goobta uu falka ka dhacay ayaa bogga Wararka Samawade.so u sheegay in Rag hubeysan ay Nin Oday ah ku dileen Agagaarka Jaamacadda Simad ee Wadada Warshadaha halka ruux kale oo la socday ay dhaawaceen,waxana weerarkaas ka soo baxaya warar kala duwan.

Kooxda dilka geystay oo ka koobnaa Laba ruux oo mooto Bajaaj  la socday ay wararku sheegayaan in markii ay dilka geysteen ka baxsaday goobta, waxaana daqiiqado yar kadib soo gaaray ciidamada Ammaanka, kuwaas oo goobta baaritaano ka billaabay

Kooxda Xagjirka Al Shabaab ayaa Caan ku ah dilka iyo gumaadka dadka maatida ah iyaga oo aan u aabe yeelin Culimo Iyo Caamo toona, waxaana illaa iminka dadweynaha Soomaaliyeed ay isweydiinayaan sababta ay kooxaha Xagjirku u beegsanayaan dadka Waayeelka ah.

LEAVE A REPLY