Daawo Barnaamijka Samawade Oo Looga Hadlay Ridada Ama Ka Bixista Diinta

Daawo Barnaamijka Samawade Oo Looga Hadlay Ridada Ama Ka Bixista Diinta

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Barnaamijka Samawade oo aan uga faalloono kahortagga Afkaarta Xagjirnimada ee muddooyinkii u dambeeyay ku soo xoogeysanayay dalka Soomaaliya wuxuu todobaadkaan xambaarsanyahay mowduuc xiiso badan oo faahfaahin iyo Jawaabo ku habboon ka bixinayo Shareecada Islaamka iyo cidda ay u aqoonsantahay in uu Riddoobay oo uu ka baxay diinta uu heystay.

Kooxda Argagixisada Al Shabaab ee fikirka Xagjirnimada Xambaarsan waxa ay aaminsanyihiin in uu Riddoobay Qofk walba oo u shaqeeya dowladda Soomaaliya ay taageersan.

Kooxdu iyadoo baneysaneysa daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah waxa ay sheegatay dilalka dad badan oo isugu jira Haween, Culimo, Dhallinyaro, Ganacsato, Arday, Siyaasiyiin, Saraakiil iyo kuwa kaloo badan oo aan wax dambi ah galin.

Dilalkaas waxaa ugu dambeeyay dilkii ay Kooxdu sheegatay ee lagu Khaarajiyay Kormeere labaad Xasan Cali Yuusuf oo ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, oo toogtay isagoo Sujuudsan kuna jiray masjid ku yaalla degmada Xamar Jabab oo uu ku tukanatay Salaadda Cishaha, taasoo argagax weyn ku abuurtay Jamaacadii Masjidka.

Falkaasi waxaa aad uga xumaaday Bulshada Soomaaliyeed, iyagoo isku raacay in Kooxda Xagjirka Al Shabaab aysan aheyn koox u adeegeeysa ku dhaqanqanka Al Shabaab, Balse taabadalkeeda ay yihiin Koox suurad xumeyneysa Diinta Islaamka.

Hadaba si aan wax badan uga ogaano Shareecada Islaamka iyo halka ay iska taagtay in si xaqdarro ah loo daadiyo dhiigga qofka Muslimka ah waxaa barnaamijka marti ku ah Sh Cali Sh Maxamuud Sh Cali Dheere oo noo sharixo doono Riddoobidda iyo sifooyinka la xiriira.

https://www.youtube.com/watch?v=bzaY8woT2Sw&t=78s

LEAVE A REPLY