Saraakiisha Ciidamada XDS Oo Sheegay Inay Dileen Mid Ka Mid Ah Saraakiisha...

Saraakiisha Ciidamada XDS Oo Sheegay Inay Dileen Mid Ka Mid Ah Saraakiisha Ajaanibta Ee Xagjirka Al-Shabaab

SHARE

Marko,(Samawade.so):-Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan guutada 14-ka octobar ayaa howlgal ku dilay mid ka mid ah horjogayaasha Ajaanibta ah ee ka tirsan nabadiidka Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in howlgal laga sameeyey Magalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaah hoose lagu dilay Sarkaal ka tirsan Ajaanibta ka barbar dagaalanta Al-Shabaab

Sarkaalka la dilay ayaa  saraakiisha ciidanka xoogga dalka ay magaciisa ay ku sheegeen Sheekh C/naasir Asarbajaan waxa uuna u dhashay wadanka ruushka,isla markaana Al-shabaab kaga soo biiray kooxda xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yaman.

Taliyaha qeybta 12April ee ciidanka xoogga dalka general Cumar dheere oo la hadlay idaacada ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay Sarkaalka Sheikh C/naasir Asarbajaan laga fuliyay gudaha magaalada marko ee G/shabellada hoose.
general Cumar dheere waxa uu sidoo kale uu sheegay in Sarkaalkaani lala dilay dhowr iyo toban Sarkaal oo ku dhumaaleysanayay gudaha degmada Marko ee G/shabellada hoose waa sida ay hadalka u dhigeen.

LEAVE A REPLY