Ciidamada Aniga Oo Gacanta Ku Dhigay Xibin Katirsan Ah Amniyaadka Xagjirka Al...

Ciidamada Aniga Oo Gacanta Ku Dhigay Xibin Katirsan Ah Amniyaadka Xagjirka Al Shabaab

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Howlgal qorshaysan oo ay maanta magaalada Muqdisho ka fuliyeen ciidanka ammaanka ee dowladda Federalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo qabtay xubin ka tirsan Amniyaadka Al-Shabaab.

Howlgalka ayay ciidamadu amnigu ka fuliyeen bartilmaameed lagu raad joogay oo ku dhuumaaleysanayay qeybo ka mid ah magaalada, waxaana ay ciidamadu ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan xubin argagixisada Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka amniyaadka

Tani waxay tusaale u tahay shaqada adag ee ciidamada amnigu ku sugayaan Nabadgalyada iyo xasiloonida caasimadda.

LEAVE A REPLY