Maxamed Sheekh Cali Waxaa Loo Dilay Maxaad U Nooshahay!!

Maxamed Sheekh Cali Waxaa Loo Dilay Maxaad U Nooshahay!!

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Waa Arin dhiirigalin mudan in Dhalinyaradeenu iswaydiiyaan sababta loo laayo Hal-doorka Bulshadeenna, balse waan ognahay sababta loo dilo iyo cidda Disha, sidaas awgeed waa in aan Ku dhiiranaa Cadawgeenna runta ah.

Waa hubaal in aan Shabaab sheegis iyo aamusnaaan midna innagu dhaafaynin markaa majirto sabab aan afka uga ilaalino.

Wxeey ila tahay waxaan Ku hurayn horay ayaa loo galaaye waa in aan wajahnaa Cadawgeenna xoog iyo xeelad labadaba.

Waxaan Jeclanlahaa in halkii aan oranlahayn maxaa loo dilaa aan dhahno sidee loo badbaadiyaa?

Maxed Sheikh Cali iyo kuwa la mid Ka ah ee maalinkasta Alshabaab iyo Daacish dilayaan kaliya waxeey udhimanayaan maxaad u nooshihiin? maxaad Dadkiina nolol ugu abuuraysaan? maxaad Dalkaan duminayno u dhisaysaan? maxaad jahliga ula dariraysaan si aan dadka duufsiga ugu hayno?

Waa marxalad aan soo gaarnay in aan Maanta iswaydiinkarno maxaa loo dilay, balse waxaan adkaynayaa in aan boogta Ku dhawaano iyo halka na balbalaysa si aan u bogsiino.

Xuquuqda Qalinka:-Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaala.

Fadlan Wixii Aragti ah Nala Soo Wadaag.

Samawadesomalia@gmail.com.

 

LEAVE A REPLY