Horjooge Ka Tirsan Xagjirka Al Shabaab Oo Lagu Qabtay Howlgal Ciidamada Amnigu...

Horjooge Ka Tirsan Xagjirka Al Shabaab Oo Lagu Qabtay Howlgal Ciidamada Amnigu Ka Sameeyeen Muqdisho

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Howlgal ay ciidamada Ammaanka Soomaaliya ay ka sameyeen xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ay ku soo qabteen sarkaal la sheegay in uu ka tirsan yahay ururka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Eng,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yarisiow ayaa sheegay in Ciidamada Amniga oo kaashanaya  Shacabka degmada Wadajir ay gacanta ku dhigeen Sarkaal ka tirsan Alshabaab.

“Waxaan u mahadcelinayaa Shacabka Degmada Wadajir oo gacan ka geystay in la soo qabto Horjooge ka tirsan argagixisada Alshabaab, kaas oo doonayey in uu ku dhex dhuumaaleysto shacabka.”ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Tallaabadaan ayaa imaaneysa maalmo kadib markii ciidamada booliska Soomaaliyeed si buuxda loogu wareejiyay howlaha Sugidda Amniga Gobalka Banaadir, iyadoo maamulka Gobalku ballanqaaday in la hagaajinayo wadashaqeynta ka dhaxeysa qeybaha Bulshada iyo Laamaha Ammaanka.

 

LEAVE A REPLY