Mareykanka Oo Duqeyn Cirka Ah Ka Filyay Shabeellaha Hoose

Mareykanka Oo Duqeyn Cirka Ah Ka Filyay Shabeellaha Hoose

SHARE

Muqdisho,(samawade.so):-War saxaafadeed uu soo saareen Taliska ciidanka Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in 2dii bishan 4 qof oo ka tirsanaa xagjirka Al Shabaab ay ku dileen meel 74 KM waqooyiga galbeed ka xigta magaalada Muqdisho.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in ayadoo la kaashanayo xukuumadda federaalka ee Soomaaliya ay ciidanka Maraykanku qaadeen weerarkaas oo ay ku bartilmaameydsadeen fariisin maleeshiyada Kooxda Xagjirka Al Shabaab ay ku lahaayeen gobalka Shabeellaha Hoose.

Wuxuu war saxaafadeedku intaa ku daray in aysan jirin cid rayid ah oo wax ku noqotay. inkastoo ururka ALshabaab uu sheegay in dadka lagu laayay weerarka ay ahaayeen dad rayid ah.

Dowlada Maraykanka ayaa duqeyn dhinaca cirka ah oo ay qaadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka fuliya dalka

Soomaaliya.

 

 

LEAVE A REPLY