Horjooge Katirsan Xagjirka AlShabaab Oo Lagu Qabtay Howlgal Qorsheysan Oo Ka Dhacay...

Horjooge Katirsan Xagjirka AlShabaab Oo Lagu Qabtay Howlgal Qorsheysan Oo Ka Dhacay Degmada Afgooye

SHARE

Afgooye,(Samawade.so):-Ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysnaa oo ay ka sameeyeen degmada Afgooye iyo tuulooyinka hoostaga ku soo qabtay maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda Al Shabaab iyo horjoogahoodii.

Sida wararku sheegayaan ciidamada Milateriga ayaa ragga ay qabteen waxaa ku jiray nin la sheegay inuu Al-Shabaab qaraxyada u sameyn jiray iyo nin kale carruurta u qora.

War ay daabacday Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA ayaa lagu sheegay in howl galka lagu soo qabtay 32 kamid ah maleeshiyadaka Kooxda Xagjirka Al Shabaab, waxaana labo ka mid ah ragga la soo qabtay oo ahaa saraakiil magacyadooda lagu gaabiyay Cumar Dheere iyo Iidow.

Horjooge Cumar Dheere ayaa maleeshiyadaka Kooxda Xagjirka Al Shabaab u sanadkan oo kaliya AlShabaab u qoray illaa 300 dhalinyaro ah kuwaas oo si qasab ah waalidkood looga watay.

LEAVE A REPLY