Duqeyn Lagu Beegsaday Kolonyo Gaadiid Oo Ay Lasocdeen Maleeshiyada Xagjirka Oo Ka...

Duqeyn Lagu Beegsaday Kolonyo Gaadiid Oo Ay Lasocdeen Maleeshiyada Xagjirka Oo Ka Dhacday Sh/Dhexe

SHARE

Jowhar.(Samawade.so):-Maleeshiyo katirsan Maleeshiyaadka Xagjirka Al Shabaab ayaa xalay fiidkii isku dayey inay weerar ku qaadaan fariisimo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed qeybta ka howlgasha gobolka Shabeelada Dhexe ku leeyihiin deegaanka Qalimow oo u dhaxeeya Degmooyinka Jowhar iyo Balcad balse waxaa ka hortgay Ciidanka Daraawiishta dowlad gobaleedka Hirshabeelle, kuwaas oo sidoo kale u geystay qasaaro badan.

Taliyaha Guutada Koowaad ee CXD Soomaaliyeed Gen Ibraahim Maxamed oo isagoo ku sugan Magaalada Jowhar Khadka Taleefoonka kula hadlay warbaahinta Samawade.so ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada Caalamiga ay burburiyeen Kolonyo gaadiidka oo gaarayay illaa 4 gaari ahaa nooca Soomaalidu u taqaano Hoomeey oo ay la socdeen Maleeshiyaad Hubeysan oo ka tirsan Xagjirka Al Shabaab lagu duqeeyay duleedka deegaanka Qalimoow.

Gen Ibraahim oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “waxay ahaayeen Kolanyo maleeshiyo oo ka kooban 4 gaari oo hoomeey ah oo ay saarnaayeen Kontameeyo maleeshiyo ah, waxay ahaayeen dhallinyaro Haboow ah oo aan jidka iyo deegaankaba wax aqoon ah u laheyn oo wey lunsanaayeen, Ciidamada isku dheceen kadibna dib ayay u laabteen, gurmad ayaan dirsanay waxaana ugu dambeyn lagu guuleystay in looga dabatago meel qiyaastii 25Km galbeed kaga aadan deegaanka Qalimoow”.

Wararka Samawade.so uu ka helay dadka deegaanka ayaa ku waramaya in maleeshiyaadkaasi ay ku wajahanaayeen deegaanka Basra oo hoostaga degmada Balcad ee gobalka Shabeellaha Dhexe, balse ay ka haboobeen wadadii ay ku socdeen, taasina ay sababtay in ay iska horyimaadaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Maleeshiyada ayaa markii ay isku dayeen inay dib u laabtaan waxay la kulmeen duqeymo dhanka Cirka ah kuwaas taas oo looga burburiyey labo gaari oo ay wateen.

Lasoco Wixii Warar ah ee Kasoo Kordha Qasaaraha Xagjirka Al Shabaab Loogu Geystay howlgalkaas iyo Duqeynta ka dambeysay.

LEAVE A REPLY