Ciidamada Ammaanka Koofur Galbeed Oo Khaarajiyay Horjooge Katirsanaa Xagjirka Al Shabaab

Ciidamada Ammaanka Koofur Galbeed Oo Khaarajiyay Horjooge Katirsanaa Xagjirka Al Shabaab

SHARE

Baydhaba,(Samawade.so):-Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in howlgal saacadihii ugu danbeeyay wada jir ay u fuliyeen ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ku dileen Horjoogel ka tirsan Maleeshiyaadka Xagjirka Al-shabaab deegaanno hoostaga gobolka Baay.

Wasiirka Amniga maamulka Koonfur Galbeed Xassan Xusseen Maxamed [Eelaay] ayaa waa warbaahinta u sheegay in howlgalkaasi ahaa mid qorsheysan oo lagu dilay horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab iyo maleeshiyaad ilaalo u aheyd, laakiin ma uusan sheegin magacyada saraakiisha uu sheegay in la dilay.

Deegaannada Koonfur Galbeed waxaa  ku xooggan oo qeyb badan oo ka mid ah wali maamula oo gacanta ku haya Al-shabaab oo weeraro joogta ah ku haya ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ee ka howlgala deegaannada Bay iyo Bakool.

Dhinaca kalana maamulka Koonfur Galbeed ayaa wada abaabul dagaal oo ka dhan ah Shabaab iyo sidii loo furi lahaa wadooyinka ay go’doomiyeen Shabaab ee Gobolka Baay.

LEAVE A REPLY