Xog Xasaasi Ah:- Yaa Fududeeyay Weerarkii Al Shabaab Ee Oto Oto

Xog Xasaasi Ah:- Yaa Fududeeyay Weerarkii Al Shabaab Ee Oto Oto

SHARE
Muqdisho,(Samawade.so):-Faahfaahin dheeri ah ayaa ka soo baxeysa sida Maleeshiyadka Al Shabaab ay ugu suuragashay in 07 Bishaan ay weerar isugu jira Qaraxyo iyo mid toos ah ku soo qaadaan dhismaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oto Oto, xilli waddooyinka magaalada Muqdisho ay intooda badan xirnaayeen aadna loo adkeeyay Ammaanka Caasimadda.
 
Xog dheeraad ah oo uu helay HiraanOnlian ayaa muujineysa in fududeynta weerarkaasi ay ku lug lahaayeen siraakiil sarsare oo ka tirsan Sirdoonka Soomaaliya, kuwaas oo iyagoo dowlado shisheeye lacag ka qaadana gacan ka geystay fududeynta weerarkaasi.
 
Baaritaano uu sameeyay Sirdoonka Soomaaliya oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ee dowladda Soomaaliya ka taageera dhinaca Sirdoonka ayaa bixiyay macluumaadka dhab oo aan marna la fileynin taas oo sababtay in shaqada laga joojiyo taliye ku xigeenadii Hay’adda NISA, Gaashaanle Sare Abdulqaadir Mohamed Nuur Jaamac iyo Gen Cabdalla Cabdalla Maxamed.
Xogta aan helnay ayaa muujineysa in sarkaalka weerarka fududeeyay uu yahay G/Sare Abdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, kaasoo warbixinta lagu muujiyay in guriga uu magaalada Muqdisho ka daganyahay ay kasoo dhaqaaqeen gaadiidka Qaraxyada Waday iyo Maleeshiyaadka dagaalamayay ee weerarka ka dib ay dileen Ciidamada Amniga.
 
Muuqaallo qarsoodi ah oo lahelay intii ay baaritaanada Socdeen ayaa muujinaya sida G/Sare Jaamac uu uga qeybqaatay weerarkaas, iyadoo sadoo kale ay jireen tuhumo badan oo la xiriiray dilal qorsheysan iyo weeraro Al Shabaab ay ka fuliyeen Magaalooyinka Muqdisho iyo baydhabo, kuwaas oo si qarsoodi ah dhabarka uga riixayay.
Dowladda Soomaaliya wali si rasmi ah uma shaacin xogta, hasayeeshee tallabada koowaad ee ay qaaday ayaa ah in shaqada laga Joojiyo Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ah Sarkaalka lagu caddeeyay natiijada hordhaca ah baaritaanada la sameeyay.
 
Xogtu wey soo kordheysaa, hasayeeshee lasoco wixii arrintaan iyo baarista socota ku soo kordha.
 

LEAVE A REPLY