Xagjirka Al Shabaab Oo Sheekh Caan ah Ku Dilay Deegaanka Ceelasha Biyaha

Xagjirka Al Shabaab Oo Sheekh Caan ah Ku Dilay Deegaanka Ceelasha Biyaha

SHARE
Muqdisho,(Samawade.so):-Maleeshiyada Xagjirka Al Shabaab ayaa deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Magaalada Muqdisho si naxariisdarro ah ugu dileen Alle ha u naxariisto Sheikh Cabdulaahi Sheikh Maxamed Rooble oo ahaa caalim faafiya Diinta Islaamka, sidoo kale waxa uu ahaa caalim wayn oo looga soo doonto barashada diinta islaamka, waxa uu soo saaray mashaa’ikh waa wayn oo caan ka ah dhulka Soomaalida dagta guud ahaan.
 
Sheikh Cabdullaahi waxa uu malcamad wayn lagu barto Xifdinta Qur’aanka Kariimka iyo Tafsiirka ku lahaa Degmada Bardaale ee gobolka Baay, isagoo hormuud u ahaa Dariiqadii uu aabihii Aas Aasay Sheikh Mad Rooble
 
Dabar gooynta lagu haayo culimada Soomaaliyeed oo ah indhaha bulshada waxa ay cadeeyn u tahay heerka ay gaarsiisan tahay cadaawada argagixisada ay ku hayaan umadda soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY