Xagjirka Al Shabaab Oo Dab Qabadsiiyay Guryo Ay Ka Barakiciyeen Dadkii Deganaa...

Xagjirka Al Shabaab Oo Dab Qabadsiiyay Guryo Ay Ka Barakiciyeen Dadkii Deganaa Deegaanka Caad Ee Gobalka Mudug

SHARE

Gaalkacyo,(Samawade.so):-Wararka naga soo gaaraya deegaanka Caad ee Gobalka Mudug ayaa sheegaya in Xagjirka Al Shabaab ay maanta billaabeen in ay Dab qabadsiiyaan dhismayaal Dhowr ah oo ay ka Barakeceen Qoysaskii Daganaa oo dagaal kala hortagay Maleeshiyaadka Al Shabaab oo isku dayay in ay dadka deegaankaasi ku qasbaan in ay siiyaan dhallinyaro u dagaalanta iyo Lacag Baad ah.

Odayaasha Deegaanka oo ka jawaabayay dalabka Kooxda Xagjirka Al Shabaab ayaa sheegay in aysan diyaar u aheyn in Caruurtooda ay siiyaan Al Shabaab si ay uga barbar dagaalmaan, iyagoo si cad ugu sheegay in dagaalka kooxdu ka hurineyso Soomaaliya uusan Xaq aheyn, taas badalkeedana ay diyaar u yihiin in ay hubka qaataan si ay isaga dhiciyaan Al Shabaab.

Qoysas badan oo deganaa deegaanka Caad ee gobolka Mudug ayaa lagu soo waramayaa iney isaga barakaceen gudaha deegaankaasi, kadib markii deegaankaasi ay ka billaawdeen dagaallo dhallinyarada deegaanku ay kaga hortagayaan baadda Xagjirka Al Shabaab ay ku soo rogeen bulshada ku nool deegaanka Caad.

Dadkan ayaa aaday deegaanno dhowr ah oo ay ka mid tahay degmada Hobyo, waxayna dadkan ka baqeen in waxyeello ay kasoo gaarto dagaalka u dhaxeeya Al-shabaab iyo dadka shacabka ah.

Wararka soo gaaray bogga wararka Samawade.so ayaa waxay sheegayaan in Kooxda Xagjirka Al Shabaab ay dab qabadsiiyeen guryo badan oo ay lahaayeen shacabka ku nool deegaanka Caad, taasoo kadambeysay Caro ay ka qaadeen dagaalka ay dadweynuhu kala horyimaadeen rabitaankooda.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in dadka barakacay ay u badan yihiin haween iyo caruur, iyadoo weli xaaladda deegaanka Caad ay tahay mid aad u kacsan.

Deegaanka Caad ayaa qiyaastii 35-km u jira degmada Xarardheere ee Mudug, iyadoo halkaasi uu ka socdo dagaal culus.

Al-shabaab ayaa isku dayey in dadka ku dhaqan deegaankaasi si xoog ah uga wataan dhallinyaro dhinacooda ka dagaalanta iyo lacag baad ah, balse shacab billaabay in ay hubkooda qaatay ayana dagaal kala hor yimid.

Samawade.so Wuxuu Goordhaw idinla soo wadaagayaa Sawirada Dhismeyaasha Dabka ay Qabadsiiyeen Xagjirka Al Shabaab.

LEAVE A REPLY