Taliyaha Ciidanka Booliska oo kormeeray goob lagu qorayey dhalinyaro kamid noqoshada Booliska...

Taliyaha Ciidanka Booliska oo kormeeray goob lagu qorayey dhalinyaro kamid noqoshada Booliska soo codsatay “Sawirro”

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” oo uu weheliyo Taliyaha dugsiga tababarka Booliska  iyo Saraakiil kale, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Dugsiga Gen. Kaahiye.

Dugsiga, ayaa waxaa ka socday Qorista Ciidamo cusub oo kusoo biiraya Ciidanka Booliska, waxaana Taliyaha oo goobta  lagu diiwaan galiyey  tagay uu xog wareystay dhalinyaradaasi ciidanka loo qorayey.

Dhalinyaradaasi, ayaa si iskood ah usoo dalbaday inay ka mid noqdaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Waxaana Taliyaha Ciidanka Booliska mar uu la sheekeysaneyey ay u sheekeen in ay diyaar u yihiin difaaca dalka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko”  oo la hadlay dhalinyarada maanta loo qorayey Ciidanka Booliska, ayaa sheegay in ay tusaale u yihiin Bulshada, maadaama ay xil iska saareen Difaaca Qaranka, iyaddoo aysan jirin cid ku qasabtay.

LEAVE A REPLY