Xagjirka Al-Shabaab oo Nabadoon Caan Ah Oo 93-Sano Jir Ah Ku Dilay...

Xagjirka Al-Shabaab oo Nabadoon Caan Ah Oo 93-Sano Jir Ah Ku Dilay Sh/Dhexe

SHARE

Balacad,(Samawade.so):-Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa deegaanka Basra oo hoos taga degmada Balcad ee Gobalka Shabeellaha Dhexe ku dileen Nabadoon si wayn looga yaqaanay Gobalkaas.

Nabadoon Abshir Nuur Xuseen oo 93-sano jir ahaa, ayaa maleeshiyada Al-Shabaab ay ku dileen meel fagaaro ah iyagoo kaga been abuurtay inuu ka baxay Diinta Islaamka.

Maxamed Foolay oo ka mid ah Ehelka Nabadoonka ayaa Radio Muqdisho u sheegay in Nadoon Abshir Saddexdii bil ee ugu danbaysay uu u xirnaa maleeshiyadaan, ugu danbayntiina ay toogteen.

Argagixisadda Al-Shabaab ayaa ku caanbaxay ficillada nuucaan ah oo ka soo horjeeda diinta islaamka, waxaana horay ay u dileen dad badan oo birmagaydo ah oo ay ka midyihiin hooyooyin, caruur culumo u diin.

LEAVE A REPLY