Maleeshiyaadka Xagjirka Al Shabaab Oo Qasaare Xoog leh Lagu Gaarsiiyay Weerar Ay...

Maleeshiyaadka Xagjirka Al Shabaab Oo Qasaare Xoog leh Lagu Gaarsiiyay Weerar Ay Ku Soo Qaadeen Fariisin Ciidamada Dowladda Au Ku Lahaayeen Degmada Qoryeeley

SHARE

Qoryooleey,(Samawade.so):Faah faahin ayaa ka soo baxaysa Weerar Maleeshiyaadka Al Shabaab ay shalay gelinkii dambe ku soo qaadeen Fariisin Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku lahaayeen degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ciidamadu ku laayeen kooxdii maleeshiyada Al Shabaab ee soo weerartay fariisinkii ciidamada dowladda ku sugnaayeen.

Dagaalka oo ay ciidamadu ka warheleen kahor inta aysan maleeshiyada Al Xabadaha Soo Billaabin ayaa socday daqiiqado kooban, iyadoo ciidamadu ay iska difaaceen damacii Xagjirka weerarka soo qaaday.

Mas’uuliyiinta Maamulka Dagmada Qoryooley ayaa sheegay in 4 kamid aheyd maleeshiyadii weerarka soo qaaday, kuwaasoo mid ka mid ah uu ahaa horjoogoogihii kooxda  hoggaaminayay oo ay ciidamadu qaarajiyeen kadib markii ay nolosha ku soo qabteen.

Xoghayaha degmada Qoryooley Ibraahim Malable ayaa sheegay inay gowracayaan Shabaabkii soo weerara ee ay gacanta ku dhigaan.

LEAVE A REPLY