Xagjirka Al Shabaab Oo Nin Iyo Xaaskiisa Ku Dilay Degmada Ow-diinle

Xagjirka Al Shabaab Oo Nin Iyo Xaaskiisa Ku Dilay Degmada Ow-diinle

SHARE

Baydhaba,(Samawade.so):-Maleeshiyaad Bastoolado ku hubeysan oo ka tirsan Xagjirka Al Shabaab ayaa deegaanka Awdiinle ee Gobolka Baay ku dilay nin iyo xaaskiisa, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo dilka.

Ragga hubeysan ayaa la sheegay inay gudaha ugu galeen guri ay degenaayeen xilligii afurka, waxaana ay rasaas huwiyeen labada lamaane.

Guddoomiyaha Awdiinle ee Gobolka Baay Cali Xuseen Xasan ayaa sheegay in lamaanahan la dilay, iyagoo u fudhiyay afurka, isla markaana gurigooda loogu galay.

Waxaa uu sheegay labada qof ee is qabay ay ahaayeen ganacsato deegaanka caan ka ahaa, isagoo xusay in aanay howlo kale shaqo ku laheyn, waxaana uu ku eedeeyay inay dilka ka dambeeyeen Al-Shabaab.

Ciidamada ammaanka Koofur Galbeed ayaa baadigoobaya Maleeshiyadii Xagjirka Al Shabaab ee dilka ka dambeeyay, waxaana deegaanka iyo hareerihiisa ka socda howl gallo lagu raad-joogo.

Deegaanka Awdiinle ayaa Qiyaastii 25KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, waxaa deegaanka muhiim u tahay isu socodka Baydhabo illaa degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY