Nabaddoon Caan Ah Oo Muqdisho Lagu Dilay

Nabaddoon Caan Ah Oo Muqdisho Lagu Dilay

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Kooxo bastoolado ku hubeysan oo xiriir la leh Kooxda Xagjirka Al Shabaab ayaa galinkii dambe ee maanta magaalada Muqdisho ku toogtay nabaddoon Caan ah oo si weyn looga yaqaanay magaalada Muqdisho.

Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabayay Xuseen Geeddi Jimcaale, waxaa la sheegay in sidoo kale uu ganacsade ahaan jiray.

Wararka ayaa sheegaya in kooxaha dilka geystay oo ahaa dhalinyaro ay Nabadoonka ku dileen hooyga uu ka daganaa magaalada Muqdisho.

Tirada dadka lagu dilay Muqdisho todobaadyadii u dambeeyay ayaa si sax loo heyn, hase ahaatee warbixino aan la xaqiijin oo laga soo saaray dilalka ay sheegayaan inay ka badan tahay dadka la dilay 21-kii maalmood ee la soo dhaafay illaa todobaatameeyo ruux.

Ciidamada Ammaanka Dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaallo iyo howlgallo lagu sugayo Ammaanka Magaalada Muqdisho, iyagoo ka hortagay Weeraro Argagixiso oo Xagjirka Al Shabaab ay qorsheynayeen in ay ku dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY