Waa Maxay Sababta Xagjirka Al Shabaab U Kordhiyeen Dilalka Bisha Barakeysan Ee...

Waa Maxay Sababta Xagjirka Al Shabaab U Kordhiyeen Dilalka Bisha Barakeysan Ee Ramadaan

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Bisha Barakeysan ee Ramadaan Waa Bil Cibaado, Alle SW Wuxuu bishaan ka fadilay bilasha kale ee Sanadka.

Bisha Ramadaan waa bisha sagaalaad ee bilaha dayaxa ee lagu xisaabsado taariikhda islaamka, waa bisha u wanaagsan bilaha sannadka oo dhan, Allaah wuxuu ku gaar yeelay dhowr waxyaalood oo wanaagsan uu dheer yahay bilaha kale, waxaana ka mid ah waxyaalaha  uu ku leeyahay fadliga gaarka ah:

  1. Waa bisha uu Allaah uu u doortay soo degitaanka kan ugu weyn uguna sharaf badan kutubtiisa, Qur’aanka Kariimka, Allaah Kor ahaaye wuxuu yiri:
    {شَهْرُ رَمَضَانَ الَّذِي أُنْزِلَ فِيهِ الْقُرْآنُ هُدًى لِلنَّاسِ وَبَيِّنَاتٍ مِنَ الْهُدَى وَالْفُرْقَانِ فَمَنْ شَهِدَ مِنْكُمُ الشَّهْرَ فَلْيَصُمْهُ(البقرة:185).
    “Bisha Ramadaan ee dhexdiisa Qur’aanka la soo waxyooday,  hanuun u ah dadka iyo xujooyinka cad ee leh  hanuunka iyo kala saaridda. ee qofkii idinka mid ah ee jooga bisha waa inuu soomo inta lagu jiro”. (Al-Baqarah: 185)
  2. Waa bil la furo albaabbada Jannada: Nabigu  wuxuu yiri: “Markuu soo galo Ramadaanka waxaa la furaa albaabbada jannada, oo la xiraa albaabbada naarta, oo waxaa lagu xiraa silsilado shayaadiinta” (Al-Bukhaari 3103, Muslim 1079), Allaah wuxuu u diyaarshay addoomahiisa inay ugu soo jeestaan falasho cibaadooyinka iyo ka tegidda waxyaalaha xun.
  3. In qofkii sooma maalinkiisa oo u istaaga salaad habeenkiisa waxaa loo dhaafaa wixii horay uga dhacay danbiyo, Nabigu wuxuu yiri: “Qofkii u sooma Ramadaanka iimaan qab iyo ajar dalab waxaa loo dhaafaa wixii horay uga dhacay oo danbiyo ah” (Al-Bukhaari 1910, Muslim 760) wuxuu kaloo yiri: “Qofkii u kaca salaatu leyl Ramadaanka iimaan qab iyo ajar dalab, waxaa loo dhaafaa wixii horey uga dhacay oo danbiyo ah” (Al-Bukhaari 1905, Muslim 759)

Iyadoo Alle Sw Sidaan u fadilay Bisha Soon ayaa hadane waxaa bulshada Soomaaliyeed Uur kutaallo ku noqotay Dilal qorsheysan oo ay maleegayaan Kooxaha Xagjirka ee ka beensheegay ku dhaqanka Shareecada Islaamka, iyagoo intii lagu gudajiray Bishaan dil kula kacay Saa’imiin sida tiradooda la hadal haayo ay kor u dhaafeyso 50 Qof oo aan waxba galabsan.

Saa’imiinta la dilay ayaa Qaarkood la toogtay iyagoo isku diyaarinaya in ay Afuraan, qaar ayaa la toogtay iyagoo Taraawiix ku sii socda ama kasoo laabanayay, qaarna waxaa la dilay iyagoo ku gudajiray raadinta nolol maalmeedkooda.

Diinteena Suuban ayaa naga Xaaraantinimeysa in si xaqdarro ah loo daadiyo dhiigga dadka Muslimka ah iyadoo taasina ay noosii dheertay Bisha Ramadaan oo Alle SW Adoomadiisa faray in ay isku naxariistaan kana fogaadaan Kabaa’irta.

Su’aalaha Maalmihii ugu dambeeyay ay bulshada Soomaaliyeed isweydiinayeen waxaa kamid ah Qof Dilay Qof Muslim ah oo Saa’im ah misna Muuqaal Marqaati ah iska duubaya, waxayna taasi muujineysaa Ducfiga iyo Diin la’aanta kooxaha Fidnada ka hurinaya Dalka Soomaaliya.

Qormadeyda Kooban ayaan Jeclahay in aan Bulshada Soomaaliyeed ku Xasiisiyo in Naf Waliba aysan Dhaafeynin Saacaddii uu Alle ugu talagalay, sidaasi darteedna aan u midoowno Sidii aan isaga dulqaadi laheyn Kooxaha Xagjirka nafla-caariga ah ee baneystay in ay maalinba mid nagala baxaan, Waxayna Culimada Soomaaliyeed noo Caddeeyeen Kan Dila iyo Key Dilaanba in uu Ahlu Janno yahay.

Ilahay hana waafajiyo khayrka iyo habeenka layltul qadrigaba.  Aaaaamiiiiiin.

W/Q Ismaaciil Mukhtaar Cumar “Orange”

Email: ismaelmukhtaar@gmail.com

LEAVE A REPLY