Mareykanka Oo Duqeyn Ku Dilay Horjoogeyaal Ka Tirsan Xagjirka Al-Shabaab

Mareykanka Oo Duqeyn Ku Dilay Horjoogeyaal Ka Tirsan Xagjirka Al-Shabaab

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in weerar cirka ah oo 31 May ka fuliyay meel 30KM koofur galbeed ka xigta magaalada Muqdisho lagu beegsaday Horjoogeyaal ka tirsan Xagjirka Al-Shabaab.

Taliska Mareykanka Afrika ayaa sheegay in howlgalkaasi ay ku qaarajiyeen 12 maleeshiyo ah iyo horjoogeyaashoodii, kawaas oo warbixinta lagu sheegay in ay qorsheynayeen weeraro lagu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in aanay jirin dad rayid ah oo weerarkaas wax ku noqotay.

Mareykanka ayaa kordhiyay weerarada cirka ah ee ka dhanka ah Maleeshiyada Xagjirka Al Shabaab iyo Horjoogeyaashooda, waxaana sanadkan kordhay weerarada ay ka fuliyaan Koofurta dalka Soomaaliya.

Kahor inta howlgalka aan la fulin waxaa lagu wargaliyaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, iyagoo howlgal kasta fuliya marka uu ogalaashaha ugu dambeeyo bixiyo Madaxweynaha.

LEAVE A REPLY