Faahfaahin Duqeyn Lagu Beegsaday Maleeshiyaadka Xagjirka Al Shabaab

Faahfaahin Duqeyn Lagu Beegsaday Maleeshiyaadka Xagjirka Al Shabaab

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Taliska Ciidamada Milatariga Maraykanka ee loo yaqaano AFRICOM ayaa sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen duleedka magaalada Muqdisho, taas oo ay ku dileen 10 kamid ah argagaxisada Xagjirka Al Shabaab.

Warka ka soo baxay Milatariga Maraykanka ayaa lagu sheegay in ay qiimeynayaan in aysan dad rayid ah ku dhiman duqeynta maalinta Arbacada laga geystey meel u jirta 15 mile Koofurgalbeed magaalada Muqdisho.

Dowlada Maraykanka ayaa hore loogu eedeeyay in dad rayid ah ay ku dileen  weeraro ay si wadajir ah uga fuliyeen dalka Soomaaliya ciidamada milatariga Soomaaliya.

Taliska Maraykanka qaarada Afrika ayaa sheegay in ka geysteen dalka Soomaaliya illaa 14 duqeyn oo dhinaca cirka ah sanadkan ayna la beegsadeen ururka Xagjirka ee xiriirka la leh al-Qacida ee al-Shabab.

Tobanaan jeer  ayaa sidoo kale sanadkii aynu ka soo gudubnay ay duqeeyeen ciidamada Maraykanka kadib markii uu oggolaaday Madaxweynaha Maraykanka Trump.

LEAVE A REPLY