Xagjirka Al Shabaab Oo Xildhibaan Katirsan Baarlamaanka Puntland Ku Dilay Gaalkacyo

Xagjirka Al Shabaab Oo Xildhibaan Katirsan Baarlamaanka Puntland Ku Dilay Gaalkacyo

SHARE

Gaalkacyo,(Samawade.so):-Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan oo katirsan Xagjirka Al Shabaab ay toogasho ku dileen Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland.

Xildhibaanka la dilay ayaa lagu magacaabayay C/xakiin Macalin Daahir, waxaana lala dilay askari ilaalo u ahaa.

Wararka ayaa sheegaya in kooxdii ka dambeysay filka ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa caawa howl gallo ka wada xaafada lagu dilay Xildhibaanka, iyagoo lagu raadjoogo kooxihii dilka ka dambeeyay.

Waqooyiga Gaalkacyo oo ay ka arrimiso Puntland ayaa waxaa horay uga dhacay dilal qorsheysan iyo qaraxyo ay sheegteen Kooxaha Xagjirka Al Shabaab oo dhabaatooyin xooggan ku haya dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY