Xagjirka Al Shabaab Oo Sheegtay Dilka Qof Shacab Ah Oo Xalay Lagu...

Xagjirka Al Shabaab Oo Sheegtay Dilka Qof Shacab Ah Oo Xalay Lagu Dilay Muqdisho

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Xagjirka Al-Shabaab oo sheegatay Dilka Muwaadin Soomaaliyeed Oo Xalay Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabayay Aweys Cumar, waxaana la sheegay in la dilay, xilli uu ku fiidsanayay banaanka gurigiisa oo ku yaalla Xaafada Taleex ee degmada Hodan.

Ciidamada ammaanka ayaa la sheegay in dilka kaddib inay gaareen goobta, iyagoo howl gal ay sameeyeen ku qab qabtay dad dhowr ah, inkastoo markii dambe la sii daayay.

War lagu soo daabacay bogga wararka ay ku faafiyaan xagjirka Al Shabaab ayay ku sheegteen in ay ka dambeeyeen dilka Marxumkaasi oo ay toogteen waxyar kadib markii uu soo afuray, kadibna uu damcay in uu ku nasto gidaar yar oo ku yaallay bannaanka hooygiisa.

Tan iyo markii uu bilowday bisha Ramadaan ayaa waxaa habeenadii la soo dhaafay ka dhacayay Muqdisho dilal qorsheysan oo loo geysanayay dad kala duwan, waxaana ugu damabeeyay saddex ruux oo habeen hore la dilay, kuwaasoo labo ka mid ah ay ganacsato ahaayeen.

LEAVE A REPLY