Xagjirka Al Shabaab Oo Caawa Muqdisho Ku Dilay Nin Ganacsade Ah

Xagjirka Al Shabaab Oo Caawa Muqdisho Ku Dilay Nin Ganacsade Ah

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Kooxo  Bastoolado Ku hubeysan oo ka tirsan Xagjirka Al Shabaab ayaa Caawa Fiidkii ku dilay degmada Waaberi ee gobalka banaadir ganacsade magaciisa lagu soo koobay Ow Aadan kana mid ahaa sarifleyaasha isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Dilka Marxuumka ayaa waxa uu ka dhacay meel u dhow Masjidka C/raxmaan Bin Coof ee degamda Waaberi xilli uu ku sii jeeday gurigiisa.

Dableyda geysatay falka dilka ah ayaa la sheegay inay ka baxsadeen halkaas iyadoo ciidamada dowlada ay gaareen goobta uu falka dilka ah ka dhacay.

LEAVE A REPLY