Faahfaahin: Xoolo Dhaqato Dagaal Kala Horyimid Xagjirka Al Shabaab Bartamaha Soomaaliya

Faahfaahin: Xoolo Dhaqato Dagaal Kala Horyimid Xagjirka Al Shabaab Bartamaha Soomaaliya

SHARE

Baladweyn,(Samawade.so):-Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ee bartamaha Dalka ayaa ku soo waramaya in Dagaal u dhaxeeya dad shacab ah iyo maleeshiyaadka Al-shabaab uu ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Dagaalkaan ka dhacay Gobolka Hiiraan ayaa imaaday ka dib markii maleeshiyaadka Xagjirka Al-shabaab ay isku dayeen in ay boobaan xoolo ay lahaayeen muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada miyiga, hasayeeshee shacabku ay hubka qaateen kana dhiidhiyaan falalka guracan ee maleyshiyadu ku hayaan bulshada.

mid ka mida dadka deegaanka ee dagaalka la galay maleeshiyaadka Al-shabaab magaciisa sababo ammaan uga gaabsaday ayaa sheegay in dagaal xoogan oo ay la galeen Xagjirka Al Shabaab ayna kaga dileen ku dhawaad 6 kamid ah maleeshiyaadka Al Shabaab.

Dagaalka oo socday muddo laba todobaad ah ayaa bulshada deegaanka ee iskood isku abaabulay ku guuleysteen in ay iska caabiyaan kooxda horarka ah ee caadeystay boobka xoolaha iyo hantida dadka Soomaaliyeed.

 

LEAVE A REPLY