Ciidamada XDS Oo Xagjirka Al Shabaab Kala Wareegay Deegaanka Moqa-Kori

Ciidamada XDS Oo Xagjirka Al Shabaab Kala Wareegay Deegaanka Moqa-Kori

SHARE

Baladweyne,(Samawade.so):-Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ee bartamaha Dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed la wareegeen deegaano ka tisan Gobolkaasi oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka nabad iyo nolal diidka  Argagixisada Al Shabaab.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo aroornimadii hore ee saak qaaday howlgalo ka dhan ah maleeshiyaadka Argagixisada Al shabaab waxayna ku qabsadeen deegaanka moqokori iyo deegaano kale oo hoosyimaada gobalka Hiiraan, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay taageeri buuxda ka helayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada ay maanta ciidamaddu howlgalka ku qaadeen.

Deegaanka moqokori ee Gobolka Hiraan ayaa ka mid ahaa deegaanada maleeshiyaadka Al shabaab ay muddooyinkii u dambeeyay ku dhibaateynayeen dadka deegaanka iyagoo isugu daray Dil, Dhac iyo hanjabaad toos ah taasoo dhallinyaro badan ku qasabta in ay hubka qaataan kana hortagaan tacadiyada joogtada ah ee ay Al Shabaab kala kulmayee.

Maleeshiyaad Firxad ah oo xalay ka cararay Deegaanka Moqo-Kori ayaa lagu soo sheegayaa in ay ku dhuumaaleysanayaan deegaanada Miyiga, iyagoo xalay ka baxay magaalada kadib markii ay ka Cidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed billaabeen dhaq dhaqaayo Ciidan oo ashacabka deegaankaasi looga xoreynayo Xagjirka Al Shabaab.

LEAVE A REPLY