Xagjirka Al Shabaab Oo Sheegtay Qarax Shalay Ka Dhacay Walaweyn

Xagjirka Al Shabaab Oo Sheegtay Qarax Shalay Ka Dhacay Walaweyn

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa Sheegtay Mas’uuliyadda Qarax Naftii Hallignimo ah oo uu fuliyay nin isku xirxiray walxaha Qarxa kaas oo shalay Duhurtii ka dhacay Suuq Qaadka Lagu iibiyo oo ku yaalla degmada Walaweyn ee gobalka Shabeellaha Hoose.

War lagu baahiyay Idaacadda Al Andolus oo ku hadasha Afka Kooxda Xagjirka Ayaa lagu sheegay in Kooxda Al Shabaab ay fulisay Weerar naf haligis ah oo shalay lagu qaaday dad ku sugnaa Suuqa Qaadka ee degmada Walaweyn.

Qaraxaasi waxaa ku nafwaayay dad tiradoodu gaareyso 14 Qof kuwaas oo isugu jiray ganacsatada Qaadka iyo dad kale oo Suuqa ka Adeeganayay.

Dadka lagu dilay weerarkaasi Xaqdarrada ahaa waxaa ku jiray 4 Caruur ah oo kamid ahaa Ilmaha yaryar ee nolol maalmeedkooda ku dabara Garaabada ay ka aruursadaan Suuqa.

Waa mid kamid ah weerarada Arxan darrada ah ee ay soo maleegaan kooxda Al Shabaab ee ka soo horjeedda nolosha Bushada Soomaaliyeed ee la daalaa dhacaya sidii ay ku heli lahaayeen nolo maalmeedkooda, waxaana ugu dambeyn Kooxdu dusha u ridatay Shacabkii maatida ahaa ee shalay lagu Xasuusay Degmada Walaweyn ee gobalka Shabeellaha Hoose.

LEAVE A REPLY