Wasaaradda Amniga Oo Faahfaahin Ka Bixisay Howlgal Ay Sh.Hoose Ka Fuliyeen Ciidamada...

Wasaaradda Amniga Oo Faahfaahin Ka Bixisay Howlgal Ay Sh.Hoose Ka Fuliyeen Ciidamada Kumaandoosta

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Wasaarada Amniga Gudaha ayaa  ka hadashay howlgal qorsheysan oo xalay ay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ka fuliyeen deegaan ka mid ah gobolka Sh/hoose.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha Cabdicasiis Xildhibaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalka xalay ka dhacay duleedka Bariire ay fuliyeen ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo ku duulay goob bartilmaameed aheyd.

Ciidamo katirsan Kumaandooska Soomaaliya ay wehliyaan Ciidamo Mareykan ah ayaa xalay saqdii dhexe waxa ay howlgal qorsheesan ka fuliyeen deegaanka Macalinka oo kuyaala Inta u Dhaxeysa Afgooye iyo Bariire.

Howlgalkan ay fuliyeen ciidamada huwanta ah ayaa intii uu socday waxaa lagu dilay dad ka badan shan qof, oo ciidamadu ku raadjoogeen kana tirsanaa Maleeshiyaadka Xagjirka ah ee Al Shabaab.

Waxa uu sheegay Afhayeenka dadka la dilay in ay ahaayeen xubno katirsan dagaalyahanada Al Shabaab, waxa uuna meesha ka saaray dadka howlgalkaasi lagu dilay in ay ku jiraan dad shacab ah.

”Waxaan idin xaqiijinayaa in howlgalkaasi uu ahaa mid qorsheesan ay fuliyeen ciidamada dowlada, dadka howlgalkaasi lagu dilay waxa ay ahaayeen xubno katirsan Al Shabaab, waxba kama jiraan in dadka la dilay shacab yihiin ” ayuu yiri Afhayeenka Wasaarada Amniga.

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ayaa howlgallo qorsheeysan ka fuliya deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan horjoogeyaasha kooxda Xagjirka ah ee Al Shabaab kuwaas dhibaatooyin iyo weeraro naf haligid ah kasoo abaabula inta badan gobalka Shabeellaha Hoose.

LEAVE A REPLY