Qarax ay Qasaaro Geystay oo Maleeshiyada Shabaab ay ka geesteen Degmadda ...

Qarax ay Qasaaro Geystay oo Maleeshiyada Shabaab ay ka geesteen Degmadda Wanla-weyn

SHARE

Ugu yaraan 19 qof ayaa ku dhintay Qarax ka dhacay Degmadda Wanla-weyn ee gobolka shabeelaha hoose, sida Idaacadda kulmiye u sheegeen masuuliyiinta gobolka.

Qaraxa waxaa loo adeegsaday Mooto bajaaj, wuxuuna ka dhacay meel u dhow Aargadda degmadda.

Goobta uu qaraxu ka dhacay waa goob Qaadka lagu iibiyo, sida ay  sheegeen Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Degmadda.

Dad ku dhaawacmay qaraxa ayaa la geeyay Cusbitaalka degmadda , si rasmi ah looma xaqiijin tiradda dhaawaca.

Si kasataba ha ahaatee, qaraxa ayaa waxaa masuuliyaddiisa Sheegtay Meelishaadka Shabaab kuwaasi oo inta badan fuliya qaraxyada noocaani oo kala ah, inkastoo muddooyinkii dambe ay ciidamada Amniga ku guulaysteen in ay fashiliyaan isku day badan .

LEAVE A REPLY