Alshabaab oo lagu duqeeyay Gobolka Shabeelada Hoose.

Alshabaab oo lagu duqeeyay Gobolka Shabeelada Hoose.

SHARE

Duqeeymo ey fuliyeen diyaaradaha aan la garan heeybtooda ayaa xalay waxa ey ka dhaceen Gobolka Shabeelada Hoose.

Duqeyntan ayaa waxaa lala eegtay dagaalamayaal katirsan Maleeshiyada shabaab meel ku dhaw deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Warar hoose  ayaa sheegaya in qasaaro uu soo gaaray Xubno Maleeshiyada shabaab katirsan.

Duqeeyntan ayaa dhimasho iyo dhaawacba ka dhashay, wali lama ogaankaro qasaaraha rasmiga ah ee ka dhasahy, iyada oo qasaaro aan yareeyn uu soo gaaray dadka Beeraleeyda ah ee deegaankaasi ku dhaqan.

Illaa iyo hadda Maleeshiyada shabaab Iyo Waliba Maamulka Gobolka Shabeelada Hoose wali kama hadal duqeentan Xalay galinkii danbe ka dhacday deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelada Hoose.

LEAVE A REPLY