Xagjirka Al Shabaab Oo Suuqa Bakaaraha Ku Toogtay Aroosad Usoo Adeeganeysay Aqalgalkeeda

Xagjirka Al Shabaab Oo Suuqa Bakaaraha Ku Toogtay Aroosad Usoo Adeeganeysay Aqalgalkeeda

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Waxaa soo baxaya faahfaahin dheeraad ah oo ku aadan qof dumar ah oo lagu maanta kooxaha xagjirka Al Shabaab ku dhex dileen gudaha suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho ee Bakaaraha.

Haweeneydan oo ay dilkeeda dambeeyeen rag bastoolado ku hubeysan, kuwaasoo marka ay dilka fuliyeen kadib ka baxsaday goobta.

Haweeneyda la dilay oo lagu magacaabi jiray Maryama Cabdullaahi ayaa wararku sheegayaan shaqeyneysay Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca Caafimaadka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano WHO, gaar ahaana Xafiiska ay ku leedahay dowlad goboleedka Koofurgalbeed Soomaaliya.

Ila wareedyo lagu Kalsoonyahay ayaa Samawade.so u xaqiijiyay in Maryama oo xilliga la dilayay ku sugneyd Boosteejada ay ka baxaan gaadiidka aada goballada Bay iyo Bakool ay suuqa u tagtay sidii ay uga soo iibsan laheyd adeegyo ay ugu diyaargaroobeysay xafladda Aqlagalka Guurkeeda oo dhawaan la qorsheeyay in uu dhaco.

Maryama ayaa aheyd gabar waxbaratay oo ku hamineysay in ay meel wanaagsan ka gaarto ninaca nolosha, iyadoo dhawaan ka qalin jabisay mid kamid ah jaamacadaha ku yaalla magaalada Muqdisho, hase yeeshee waxaa maanta si naxariis darro ah ay sabab ugu noqotay in ay ku baxdo gacanta kooxaha xagjirka Al Shabaab.

Dilka Maryama Cabdullaahi ayaa aad u gilgilay qulbiyada Asxaabtii iyo Qaraabadii ay Ifka isku barteen, iyagoo Alle uga baryay in uu naxariistii Janno ka waraabiyo.

Fadlan nala soo wadaag haddii aad wax ka taqaanid Taariikh nololeedka Marxuumadda.

Adigoo noogu soo hagaajin kara samawadeshow@gmail.com

 

LEAVE A REPLY