TIX Suugaan:- Alshabaab Ma-Beegsadeen Ciyaartooy Haddii Uu Jiro Ruux Cisaynayaane!!!

TIX Suugaan:- Alshabaab Ma-Beegsadeen Ciyaartooy Haddii Uu Jiro Ruux Cisaynayaane!!!

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-

Carwo laga adeegtana Qarax kumeey cabeeyeene,

Suuq camiran miino culus kumeey Ciqaabeene,

waa Cadaw Dhamaanteen ina wada calaamaystaye,

waa in aan Ciribtirnaa Caasiwaalidiinadae.

hadaan Cidi gabaad siin amaan coodka loo qarinin, ma dhaceen Ciilkaan iyo catawgiise,

waa cabsida waxeey nagu cunaayaane,

aan Cudud midaysan Ciidda uga saarno,

marna kuma cafinayaan waana Camal lagu yaqaane, caqiidada Ku dhimo Carshiga rabbaa mudan Cabsida kaligiiye,

Cilmi malaha kana mara Caqli dhamaantiiye,

Caruurtiyo meey laayeen Culamadiiye,

Caaqilna Kuma dareen iyo Ciroolihiiye,

waa Cusmaan Bin Cafaan iyo Cali kuwii Dilaye,

waa Caynkii Rasuulki(CSW) calmaday Col in lala galaaye,

waana Ciidankii ibliis soo cimaamadiye,

Ka cadgoosta waa kuwii cunay Dadkiiniiye!!!

Waxaa Qoray, Cabdiraxmaan Yuusuf Shekh Al Cadaala

LEAVE A REPLY