Sodameeyo Katirsan Xagjirka Al Shabaab Oo Lagu Dilay Howlgal Ka Dhacay G.Hiiraan

Sodameeyo Katirsan Xagjirka Al Shabaab Oo Lagu Dilay Howlgal Ka Dhacay G.Hiiraan

SHARE

Baladweyne,(Samawade.so):-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka howlgala Gobalka Hiiraan ayaa howlgal qorsheysan ka furliyay deegaano hoosyimaada Gobalkaasi oo lagu baacsanayo firxadka haraadiga Kooxda Xagjirka ah ee Al Shabaab.

Howlagalada ayaa intooda badan ciidamadu ka fuliyeen deegaanada u dhexeeya Magalada Baladweyne, Maxaas illa iyo deegaanka Matabaan ee gobalka Hiiraan.

Afhayeenka Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gobalka Hiiraan Maxamed Nuur Caga-Joof ayaa warbaahinta u sheegay in howlgaladaasi ay ciidamada dowladda ku dileen 30 kamid ah maleeshiyaadka Xagjirka Al Shabaab, sidoo kalana kula wareegeen hub iyo sahnad Ciidan oo ay ku soo furteen intuu uu dagaalladu socday.

“Howlgalkii ugu horreeyay wuxuu ka dhacay deegaano hoosyimaada Maxaas, Halkaas waxaan ku beegsanay fariisimo Xagjirka Al Shabaab ay ku dhuumaaleysanayeen, waxaan ku dilnay Illaa 14 kamid ahaa Xagjirka Al Shabaab, Sidoo kale waxaan ku qabsan hub iyo gaadiid dagaal, saldhiggiina waxaa hadda gacanta ku haya ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed” ayuu yiri Col Xaga-Joof.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa faahfaahiyay howlgale oo kadhacay deegaanka Matabaan, halkaas oo uu sheegay in ciidamadu ay ku burburiyeen fariisimo Xagjirku kasoo abaabulijirayay weerarada qorsheysa.

Howlalkaani ayaa imaanaya kadib markii Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu dhawaan ku dhawaaqay dullaan ka dhan ah Xagjirka Al Shabaab.

 

LEAVE A REPLY