Taliska Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya Oo Layimid Qorshe Cusub Oo Lagu Xasilinayo Amniga...

Taliska Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya Oo Layimid Qorshe Cusub Oo Lagu Xasilinayo Amniga Caasimadda

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Taliska Dhexe ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliya ayaa dajiyay qorshe cusub oo lagu xasilinayo Ammaanka magaalada Muqdisho, kaas oo hadda isbadal amni oo xoog leh ku soo kordhiyay magaalada Muqdisho.

Taliska ayaa Jimcihii lasoo dhaafay qaaday tallaabo cusub oo lagu ballaarinayo fariisimaha Ciidamada Xasilinta ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamo dheeraad ah la dajiyay baro cusub oo laga Koontaroolo ammaanka Caasimadda.

Baraha Cusub ee ciidamada Xasilinta lagu ballaariyay waxaa kamid ah Jidadka Wadnaha, Warshadaha iyo Xaafado kale oo hoosyimaada Degmooyinka Deyniile, Hodan, Kaxda, Dharkeenleey iyo Heliwaa.

Sidoo kale ciidamo Boolis ah ayaa la dajiyay Baro laga Koontaroolo Ammaanka Magaalada Muqdisho kuwaas oo Ciidamada Xasilinta kala wareegay goobihii ay ku sugnaayeen, si loo ballaariyo howlaha sugidda Amniga Caasimadda.

Tallaabadaasi ayaa sahashay in si fudud ay ciidamada Amnigu u sugaan nabadgalyada magaalada, waxaana laga hortagay isku dayo kala duwan oo kooxaha Xagjirka Al Shabaab ku doonayeen in ay ku waxyeelleeyaan Bulshada la daalaadhaceysa nolol maalmeedkooda.

Sidoo kale Qorshanaani cusub ayaa u sahlay dadweyna ku nool magaalada Muqdisho in laga yareeyo xirnaashaha waddooyinka muhiimka u ah isku socodka bulshada, iyadoo la qaaday jidgooyooyin ay ciidamada ku baarijireen gawaarid, waxaana taasi badalkeeda la adkeeyay koontaroollada gaadiidka soo galaya magaalada ama kuwa ka baxaya.

Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Ducaale Isloow oo ka hadlayay Shaqada adag ee ku howlanyihiin Ciidamada Amniga ayaa Ammaanay geesinimadooda iyo sida ay uga hortageen weeraro kala duwan oo Xagjirka Al Shabaab ku damacsanayeen in ay ku laayaan Shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY