Xagjirka Al Shabaab Iyo Sida Ay Ugu Hungoobeen Qorshahoodii Buulamareer

Xagjirka Al Shabaab Iyo Sida Ay Ugu Hungoobeen Qorshahoodii Buulamareer

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Maleeshiyada Xagjirka Al Shabaab ayaa la sheegay in maanta ay weerareen saldhig ay ciidanka AMISOM ku leeyihiin gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka oo ay Maleeshiyada Xagjirka Al Shabaab u adeegsadeen baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa qorshahoodu ahaa in ay la beegsadaan saldhigyo ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Howlgalka nabad ilaalinta AMISOM ku leeyihiin magaalada Buulo Mareer iyo tuulada Golweyn ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Ugu yaraan laba gaari oo ah nooca Qudaarta ee loo yaqaano Dayna lagana soo buuxiyay Walxaha Qarxa ayay Xagjirka Al Shabaab ku weerareen Saldhigga Ciidamada AMISOM ee Magaalada Buula Mareer, waxaana jirtay Xog ku aadaneyd Weeraradaasi ay qorsheeynayeen Argagixisada Al Shabaab.

Gaariga Koowaad oo uu kaxeynayay Qof Naftii Halige ayay ciidamada Ilaalada Saldhigga la heleen Gantaalka Garabka Laga tuuro ee RPJ, waxaana halkaas ku qarxay gaariga lagu soo buuxiyay walxaha Qarxa ee bartilmaameedkiisu ahaa in uu isku qorxiyo Albaabka hore ee Saldhigga balse laga hortagay.

Gaari labaad oo daba socday gaarigii Koowaad ayaa sidoo kale Ciidamada Ilaalada Saldhigga la heleen Gantaal, waxaana ciidamada difaaca uga jiray weeraradaasi qorsheysnaa ay meesha ku fashilyeen hadafkii Xagjirka Al Shabaab.

Intaasi kadib waxaa bilaabatay rasaas xooggan oo ka soo dhaceysay dhinaca dambe ee Saldhigga ay soo weerareen Kooxda Al Shabaab, waxaana ciidamadii ku sugnaa saldhiggaasi mid mid u toogteen Maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday oo qorshahoodu ahaa marka Naftii haligaha kaheynayay gaariga Qaraxyada lagu soo buuxiyay uu Albaabka la helo in ay iyguna gadaal uga soo daataan Saldhigga, haseyeeshee taasi masuuroobin, waxaana halkaasi lagu laayay maleeshidii Xagjirka.

Weerarro kale oo ay kooxda Al Shabaab dooneysay in ay ku mashquuliyaan Saldhigyada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM si aysan isugu gurman ay xagjirku ku qaadeen magaalada Qoryooley iyo buundada Mashallay. Waxaa kale oo la sheegay in Al-Shabab ay hoobiyayaal ku tuureen saldhig kale oo ay AMISOM leeyihiin Shabeellaha Hoose.

Al Shabaab ayaa War ay soo saareen ku qirtay in weeraradaasi looga dilay 14 kamid ah maleeshiyaadkooda, haseyeeshee Guddoomiye ku xigeenka Gobalka Shabeellaha Hoose ee dhinaca Amniga Cali Nuur Maxamed ayaa Warbaahinta Samawade u xaqiijiyay in 53 kamid ah maleeshiyaadka Al Shabaab lagu laayahay weeraradii maanta ay ku soo qaadeen Saldhigyada Ciidamada AMISOM iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Qorshaha Xagjirka Al Shabaab ayaa kusoo dhamaaday Fashil iyo Dhabarjab xooggan oo loogeystay maleeshiyaadkii lagu soo qalday in ay Janada galayaan, balse ku hungoobay hadafkii qaldanaa, kadib markii ay ka soo hormartay xogta qorshihii weerarkooda.

LEAVE A REPLY