Jenaraal Tereedisho ” 120 Al-shabaab ah ayaan ku dilnay howl-galadii ugu dambeeyay...

Jenaraal Tereedisho ” 120 Al-shabaab ah ayaan ku dilnay howl-galadii ugu dambeeyay ee Gobalka Hiraan”

SHARE

Baladweyne,(Samawade.so):-Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed guutada 52–aad Axmed Maxamed Maxamuud Tareedisho ayaa sheegay inay ku dileen howl-galadii ka socday Gobolka Hiiraan ee soo bilowday 14-kii bishaan 120 ka tirsan Maleeshiyaadka Argagixisada Alshabaab oo ay ku jiraan Horjoogaaal sar-sare, isagoo intaa ku daray in ay gacanta ku dhigeen intii howl-galka uu socday tiro kale oo katirsan kooxdaasi.

Taliyaha guutada 52-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed kuna sugan Gobalka hiiraan ee Bartamaha Dalka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa xusay inay Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya Walaalahooda Hiil-Walaal ee AMISOM ay kooxda Alshabaab kala wareegeen Deegaanno farabadan oo ay kooxda argagixisada ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobololka Hiiraan.

Genaraal Axmed Maxamed Maxamuud Tareedisho ayaa sidoo kale sheegay in howl-galadaasi  ka dhanka ah alshabaab ee ka socda dhulka buuraha ah ay sii socon doonaan, islamarkaana Ciidamada Xoogga oo kaashanaya Shacabka deegaanadaasi ay sii baacsan doonaan Kooxda Jid iyo jahadiidka ee arxan laawayaasha shabaab,isgoo intaa kudaray inaysan Ciidamada Qaranka ka soo bixi doonin Deeganadaasi gacanta lagu dhigay ayna baaqi ku sii ahaan doonaan.

Taliyahe Tareedisho ayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Hiiraan uga mahad-celiyay garab istaagii ay u muujiyeen Ciidamadooda Qaranka iyo sidii ay ula shaqeeyeen, isagoo ugu sii baaqay shacabka inay halkaasi kasii wadaan garab-istaagaasi taasoo uu sheegay inay keeneyso in kooxdaasi weyso meel ay ku harsato,islamarkaan weydo meel ay ku dhuumaaleysato.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Ayaa horay ugu dhawaaqay guluf ka dhan ah kooxda Alshabaab, taasoo keentay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaa shanaya saaxiibada Caalamka ay Howl-gallo qorsheysan ka fuliyaan  qaar kamid ah Gobolada Dalka kuwaaso lagu dilay Maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan Kooxdaasi.

LEAVE A REPLY