Faahfaahin Qarax Ay Mas’uuliyaddiisa Sheegteen Xagjirka Al Shabaab+Sawirro

Faahfaahin Qarax Ay Mas’uuliyaddiisa Sheegteen Xagjirka Al Shabaab+Sawirro

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Saddex Qof ayaa ku dhintay Shan kalana waa ku dhaawacmeen Qaraxa ka dhacay isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho, sida uu sheegay taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamad.

Taliyaha ciidanka booliska ayaa sheegay in ciidanka ammaanka ay ka hortageen Qaraxaan oo la doonayay in dhibaato intaan ka badan loogu gaysto shacabka Soomaaliyeed.

Dadka dhintay waxaa ku jira Asakari ka tirsan ciidanka ammaanka oo si toos ah u hor istaagay Gaarigaan, taasi oo keentay in markii danbe Gaariga uu ku Qarxo halkii lagu qabtay.

Maleeshiyada Kooxda Xagjirka ah ee Al Shabaab ayaa Sheegtay Masuuliyadda Weerarkaasi lagu laayay dadka Shacabka ee aan waxba galabsan, iyadoo sidoo kalana Qaraxaasi ay ku burburtay hanti ay lahaayeen dadweynaha wadada Marayay, kuwaas oo u badan Bajaaj iyo Gawaari Qaarkood Wadada dhinaceeda yaallay.

Dhanka kale Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maleeshiyaadka Argagixisada ah ay doonayaan inay niyad jab ku abuuraan shacabka taasina aysan suurta gal ahayn.

LEAVE A REPLY