Mareykanka oo duqeyn uu ka fuliyay Shabeellaha Hoose ku dilay xubno ka...

Mareykanka oo duqeyn uu ka fuliyay Shabeellaha Hoose ku dilay xubno ka tirsan Xagjirka Al-Shabaab

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in duqeyn uu ka fuliyay deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha Hoose uu ku dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

War saxaafadeedka ka soo baxday Taliska Mareykanka ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay labo xubnood oo ka tirsan Shabaab, saddex kalena lagu dhaawacay, iyadoo lagu burburiyay gaadiidkii ay wateen.

Duqeyntan ayaa dhacday maalintii isniintii ee taariikhda aheyd 19-ka bishan March, waxaa ay fuliyay diyaarad kuwa aan duuliyaha laheyn.

Mareykanka ayaa sheegay inuu sii wadayo duqeymaha lagu bartilmaameedsanayo argagixisada, kaasoo lagu taageerayo dowladda Soomaaliya, sida lagu yiri war saxaafadeedka.

Deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose ayaa noqotay goobaha ugu badan ee duqeymaha laga fuliyo, waxaana bishii hore kaliya dhacay dhowr duqeyn ah.

LEAVE A REPLY