Xagjirka Al Shabaab Oo Laayay Dameero Dabna Qabadsiiyay Raashin Ganacsato u Rarnaa

Xagjirka Al Shabaab Oo Laayay Dameero Dabna Qabadsiiyay Raashin Ganacsato u Rarnaa

SHARE
Al Shabab man burns white bags of wheat bearing an American flag and the stamp USAID in Mogadishu, Somalia, Friday, Aug.20, 2010. Islamist fighters in Somalia said Friday that they seized food from the World Food Program from markets in Mogadishu and burned more than 500 bags of maize and wheat. Sheik Ali Mohamed Hussein, an official with al-Shabab _ Somalia's most powerful militant group _ said the food was expired. A spokesman for WFP said the group does not distribute expired food. "We have burned the expired food in public and we will continue the operation to check what is left in the markets to take care of the health of our people," Hussein told reporters. (AP Photo/Mohamed Olad Hassan)

Waajid,(Samawade.so):-Kooxda Nabad-diidka Al-Shabaab ayaa dhabbaha u galay Gaari dammeero siday raashiin ay lahaayeen Ganacsatada degmada Waajid ee Gobolka Bakool, iyagoona gubay ku dhawaad 10-gaari dammeer iyo raashiikii u rarnaa Ganacsatada degmadaasi.

C/qaadir Nuur Goome oo ah Guddoomiyaha Ciyaaraha degmada Waajid ee Gobolka Bakool oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab deegaan duleedka ka ah degmada Waajid ay ku dileen ku dhawaad 10-dammeer ah,islamarkaana ay gubeen raashiinkii saarnaa oo u rarnaa Ganacsatada degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Dammeerada Raashiinka siday ayaa ka soo ambabaxay deegaanka Ceelboon waxayna ku sii jeedeen degmada Waajid.

“ deegaan banaanka ka ah degmada Waajid ayaa kuwii Al Shabaabka ahaa wadada u galeen Kareetooyin Raashin sida (Gaari Dameero) degmada u soo socday,dameeradii wey dileen raashiinkiina wey gubeen”,ayuu yiri Guddoomiye Goome.

Guddoomiyaha Ciyaaraha degmada Waajid C/qaadir Nuur Goome ayaa sheegay in ragii waday dameerada ay ka soo baxsadeen Kooxda Al-Shabaab,islamarkaana degmada ay yimaadeen,isagoona dhanka kale tilmaamay iney tageen deegaanka ay Shabaabka ku gubeen raashiinka durbana maleeshiyaadka goobta isaga baxsadee..

Wuxuu sheegay in hanti badan oo lagu qiyaasay 50 kun oo dollar goobta ay kaga baaba’day Ganacsatada degmada Waajid ee Gobolka Bakool,waxaana hadda wada hadalo u socda Ganacsatada Raashiinka laga gubay iyo maamulka degmada Waajid,sida uu Guddoomiye Goome sheegay.

LEAVE A REPLY