Duqeyn Ka Dhacaday Soomaaliya Oo Lagu Dilay Maleeshiyaad Katirsan Xagjirka Al Shabaab

Duqeyn Ka Dhacaday Soomaaliya Oo Lagu Dilay Maleeshiyaad Katirsan Xagjirka Al Shabaab

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Diyaaradaha Dagaalka Dowladda Mareykanka oo duqeyn cirka ka fuliyay Magaalada Jilib, iyagoo sheegay in ay ku dileen maleeshiyaad ka tirsan Al shabaab.

War qoraal ah oo goordhaw kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee loo yaqaano Africom ayaa lagu sheegay in howlgal ay wadajir u fuliyeen ciidamada USA iyo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee xoogga dalka Soomaaliyeed shalay oo taariikhdu ku aheyd February 26 ay ku dileen 2 ka mid ah maleeshiyaadka xagjirka ah ee Al shabaab sidoo kalana lagu dhaawac mid kale.

Warka kasoo baxay Taliska Africom waxaa lagu caddeeyay in howlgalkaasi aysan waxyeello kasoo gaarin dad shacab ah.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay sii wadayso howlgallada lagu bartilmaameedsanayo kooxaha xagjirka ah ee dhibaatada ka wada Soomaaliya, ayna garab taaganyihiin Dowladda fedaraalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY