Ciidamada Xoogga Dalka Oo La Wareegay Idaacad FM Ah Oo Ay AlShabaab...

Ciidamada Xoogga Dalka Oo La Wareegay Idaacad FM Ah Oo Ay AlShabaab Lahaayeen Gobalka Shabeellaha Hoose

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Howlgallo Qorsheysan ka wada Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa la wareegay Idaacad FM ah oo maleeshiyaadka Xagjirka Al Shabaab ku lahaayeen Deegaanka Mubaarak oo hoostaga Degmada Owdeegle ee Gobalka Shabeellaha Hoose.

Idaacadda ay la wareegeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayay Maleeshiyaadka Al Shabaab u adeegsan jireen Ololaha Marinhabaabinta ah ee ay ku qaldayaan bulshada Soomaaliyeed, tasoo baahinjirtay warar iyo barnaamijyo lagu qaldayo dadweynaha ku nool deegaanka Mubaarak iyo tuulooyinka ku dhawdhaw.

Sidoo kale Ciidamada ayaa burburiyay laba gaari oo ay Argagixisada Al Shabaab ku diyaareen Walxaha Qarxa, Kuwaas oo ay uga tageen gudaha magaalada kahor inta aysan kala wareegin Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Ammaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Gen Cabdullaahi Cali Caanood oo hoggaaminaya howlgalka Ciidamada ayaa sheegay in ciidamada oo taageero ka helaya dadweynaha ku nool magaalada Mubaarak ay la wareegeen Idaacaddii Kooxda Al Shabaab, iyagoo burburiyay laba gaari oo qaraxyo lagu sii diyaariyay, sidoo kalana la wareegay Baqaaro uu hub ugu keydsanaa kooxda Xagjirka Al Shabaab.

“Howlgalka ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed si wanaagsan ayuu ku socdaa, waxaan la wareegnay Idaacaddii Xagjirka Al Shabaab ay bulshada ku marin habaabinayeen oo ku taallay deegaanka Mubaarak oo ay ciidamadu si buuxda ugala wareegeen Al Shabaab, waxaan qarxinay laba gaari oo qaraxyo lagu diyaariyay oo la doonayay in shacabka lagu xasuuqo, waxaan sidoo kale helnay oo aan la wareegnay baqaar uu hub ugu keydsanaa Al Shabaab, waxaana ugu bishaareynay bulshada deegaanka in ay dowladdoodii ay soo gaartay, dhawaana Bulshadu ay heli doonaan adeegyadii dowladda ay uga baahnaayeen” ayuu yiri Ammaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Cabdullaahi Cali Caanood.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku hubeysan Gaadiidka Dagaalka ayaa howlgal qorsheysan ka wada deegaanada farakutirska ah ee Xagjirka Al Shabaab ay ka dhuumaaleysanayaan Gobalka Shabeellaha Hoose.

LEAVE A REPLY