Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliya Oo Al Shabaab Kala Wareegay Deegaano Katirsa...

Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliya Oo Al Shabaab Kala Wareegay Deegaano Katirsa Shabeellaha Hoose

SHARE
?????????????????????????????????????????????????????????

Muqdisho,(Samawade.so):-Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliya oo Taageero ka helaya Qeybaha Bulshada ayaa 24 saac ee la soo dhaafay ku sii siqaya deegaano horleh oo hoosyimaada Gobalka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay kala wareegeen Maleeshiyaadka Argagixisada Al Shabaab.

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ka Ruqansaday Degmada Baraawe ayaa Al Shabaab kala wareegay Degmada Sablaale iyo deegaano kale oo ku hareereysan degmadaasi.

Guddoomiyaha Gobalka Shabeellaha Hoose Ibraahim Najax oo La hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay howlgalka oo ahaa mid qorsheysan uu wali sii soconayo, illa ay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka xoreeyaan Deegaanada Kooxda Al Shabaab ay kaga dhuumaaliyesanayaan Gobalka Shabeellaha Hoose.

Firxadka Maleeshiyaadka Xagjirka Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in laga dareemay deegaano ka tirsan gobalka Shabeellaha Hoose, iyagoo ka cabsiqaba howlgalka Ballaran ee ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka billaabeen Gobalkaaasi.

LEAVE A REPLY