Maleeshiyadda Ka Tirsan Xagjirka Al Shabaab Oo Lagu Qabqabtay Duleedka Magaalada Boosaaso

Maleeshiyadda Ka Tirsan Xagjirka Al Shabaab Oo Lagu Qabqabtay Duleedka Magaalada Boosaaso

SHARE

Boosaaso,(Samawade.so):-Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay howlgalo ay ka sameeyeen ciidamada amniga Puntland deegaanada ku teedsan Buuraha Cal-madoow ee gobolka Bari in ay ku soo qabqabteen maleeshiyaad ka tirsan Shabaab iyo Daacish.

Goobaha ugu badan ee howlgallada laga sameeyay ee Gobolka Bari ayaa waxaa ka mid ah Buuraleyda deegaanada Dhadhaabo, Ceeldibir, Durduri, Harweyn, Karin Xagarood, Madarshoon iyo Diindigle oo Buuraha Cal Madow oo qiyaastii 35-77km ka xiga dhanka Koonfur Galbeed magaalada Bosaso ee gobolka Bari.

Holwgalkaan oo qaatay mudo ka badan Afar Maalmood ayaa Saraakiishu waxa ay sheegen in uu yahay mid ku qotoma sidii Al-Shabaab looga looga saari lahaa deegaanada ay kaga sugn yihiin Buuraha Cal Madow.

Saraakiisha Ciidamada BIS-ta Puntland ayaa waxa ay sheegeen in intii uu howlgalka socday ay Gacanta ku dhigeen tiro ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab, kuwaas oo loo soo gudbiyey Xabsiyada magaalada Boosaaso si baaris dheeraad ah loogu sameeyo.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Boosaso ee Gobolka Bri iyo deegaanada ku dhaw dhaw ka dhacayay falal lidi ku ah amniga,iyada oo habeen ka hor Saldhiga Bartamaha Boosaaso lagu qaaday weerar ku bilaawday bambaanooyinka gacanta laga tuuro weerarkaana uu ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

LEAVE A REPLY