Duqeyn iyo Is dhiibid ku soo Kordheysa Degmooyin ka tirsan KoofurGalbeed Soomaaliya

Duqeyn iyo Is dhiibid ku soo Kordheysa Degmooyin ka tirsan KoofurGalbeed Soomaaliya

SHARE

Muqdisho,(Samawade.so):-Degmooyin ka tirsan Dowlad Goboleedka KoofurGalbeed ayaa waxaa toddobaadyadii la soo dhaafay ku soo kordhayay maleeshiyaadka ka tirsan Al-Shabaab oo soo baxsanaya iyo duqeyn ay Al-Shabaab ku qaadayaan saldhigyada ciidamada Ethiopia ay ku leeyihiin Koofurgalbeed Soomaaliya.

Wararka ka imanaya degmada Buur-Hakaba ayaa sheegaya in labo sarkaal oo ka tirsanaa dagaalyahanada Al-Shabaab ay isu soo dhiibeen saaka maamulka degmadaas.

Labadaan Sarkaal ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cusmaan Cabdi Xasan iyo Cali Uunsow Maxamed, waxaana maanta lagu soo bandhigay degmada Buur-Hakaba iyagoo haystay labo qori oo AK-47 ah.

Bartamihii bishii hore magaalada Diinsoor ee isla gobolka Bay isku soo dhiibay sarkaal kala soo baxsaday baabuur nooca dagaalka ah ururka Alshabaab, waxaana sarkaalkaas iyo gaarigii la sheegay inuu la soo baxsaday la geeyay magaalada Baydhabo oo xarun kumeel gaar u ah maamulka Koofurgalbeed.

Hase yeeshee iyadoo ay jiraan baxsashada ay ka soo baxsanayaan ururka Al-Shabaab rag hore ugaga tirsanaa ayaa dhinaca kale waxaa soo kordhaya duqeynta loo geysanayo saldhigyada ay ciidamada Ethiopia ku leeyihiin Koofurgalbeed.

Duqeyntii ugu dambeysay ayaa xalay lagu weeraray saldhig ay ciidamada Ethiopia ku leeyihiin degmada Waajid ee gobolka Bakool. Hase yeeshee lama oga khasaaraha ka dhashay duqeyntan,balse toddobaadkii hore ayaa duqeyn loo geystey saldhig ay ciidamada Ethiopia ku leeyihiin degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

LEAVE A REPLY